Gudiga Doorashooyinka oo Sheegey In Ergada Liiskooda Loosoo Gudbiyey Ay Gaarayaan 6528

0
27

Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in loosoo gudbiyey liiska qaar kamid ah ergadii dooran lahayd xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya .

Gudiga ayaa xaqiijiyey in ergada lasoo gudbiyey ay tiradooda dhan tahay 6528 ergo oo noqoneysa ergadii soo xuli lahayd 128 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ,  kuraasta ergadooda lasoo gudbiyey ayaa kala ahaa 57 kursi oo ay soo gudbiyeen maamulka Koofur Galbeed , 42 kursi oo kamid ah kuwa Jubbaland, Galmudug 12 kursi, Hirshabelle 11 iyo Puntland oo 6 kursi ah.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in lasoo saaro liiska musharaxiinta u taagan kuraasta ergadooda lasoo gudbiyey , sidoo kale waxaa maamul goboleedyada laga sugayaa in ay soo dhameystireen dhamaan ergooyinka dooran lahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.