Golaha wasiirada oo maanta ansixiyey heshiisyo dowlada ay la gashay dalka tanzaaniya

0
67

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay saddex heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiiska koowaad ee ay golaha meel-mariyeen ayaa ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, kaas oo kor loogu qaadayo xiriirka labada waddan oo ka wada tirsan ururka ganacsiga ee bariga Afrika.

Sidoo kale heshiiska labaad ayaa dhigaya wareejinta Maxaabiista Xukuman ee ku xiran xabsiyada dalka Tansaaniya, kaas oo fursad siinayo muwaadiniinta ku xiran dalkaas oo dib loogu soo celinayo gudaha Soomaaliya.

Heshiiska saddaxaad Iskaashiga Dalxiiska, si ay labada dal isku dhaafsadaan booqashooyin iyo safarro dalxiis oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here