Kooxda daacish oo sheegtey iney dilee inka badan 50 xubnood oo alshabab ah

0
60

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in dagaalyahanadooda ay weerarro ku qaadeen xarumaha kooxda Alshabaab ee gudaha Soomaaliya, ayna ku dileen in ka badan 50 xubnood oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah.

Warbixin lagu daabacay majaladda caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu qoray warkaan.

Daacish waxay sheegtay inay Alshabaab kala wareegeen degaano cusub oo dhaca buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Waxay sheegtay in weerarrada Alshabaab ay kaga furteen hub iyo rasaas kala duwan.

Daacish waxay xustay in weeraradan ay dhaceen intii lagu jiray bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo dhamnmadka bishii Shacbaan.

Daacish iyo Alshabaab ayaa xarumo qarsoodi ah ku leh degaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxayna labada koox isku haystaan awoodda maamul ee buuralayda gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here