output_p5m0xd
Home » Wadajirradio Atlanta

Wadajirradio Atlanta

Yaa ka mas’uul ah dhibta soo gaartay Shacabka degmada Awdheegle?

Ciidamada Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaayo ciidamo kala gedisan oo Ajaanib ah ayaa waxay weerar ay ku sheegaan sifayn ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ururka Shabaab ee dowlada ku kacsan. Weerarada Ciidamadan ay qaadaan ayaa waxay waxyeelo kala gedisan kasoo gaartaa Shacabka ku dhaqan goobaha ay weeraradu ku socdaan iyadoo welibana weerarada ka dib ...

Read More »

Ururka Samalka URDO oo Baardheere Tababar ugu Qabtey Haweenka ka shaqeeya Nadaafada(Sawirro+Dhageyso)

Ururka Samafalka Wadaniga ah URDO ee  fadhigiisu yahay degmada Baardheere ayaa maanta waxaa uu tababar ku Saabsan Nadaafada ugu Qabtey xaruntooda haween gaaraya ilaa 20 kuwaasi oo ka shaqeeya nadaafada deegaanka muddo ku dhow ilaa labo sanno,waxaana xafladii lagu furayey Tababarkaasi oo socon doona muddo 14 maalin ah ka soo qeyb galey Mas,uuliyiinta Maamulka degmada,Ururka Haweenka iyo xubno ka socdey Guddiga ...

Read More »

Ceel Biyood ku Shaqeeya Soolarka Cad Ceeda oo laga hergeliyey degmada Baardheere(Sawirro+Dhageyso)

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hergeliyey Ceel biyood ku shaqeynaya Tamarta Soolarka Cadceeda oo ayan horey u lahayn degmada,Ceelkani oo ah Ceelka keliya ee laga heli karo biyo macaan ayaa waxaa hergelintiisa iska kaashadey Maamulka Degmada oo taageero dhaqaale ka helaya mid ka mid ah Hay,ayadaha  Samafalka. Ceelkani ayaa waxuu ku yaalaa Xaafada Bulsho  ...

Read More »

Dhegayso..Xil.Maxamed Nuuraani Bakar oo u Jawaabay Cabdulahi Sheekh Ismaaciil

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar ayaa jawaab lama ilaawaan ah maanta warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho u mariyay Caadaqaate Cabdulahi Sheekh Ismaaciil. Jawaabtan uu siiyay Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar Caadaqaate Cabdulahi Sheekh Ismaaciil ayaa timid kadib kolkii maalin-nimadii shalay uu Cabdulahi Sheekh Ismaaciil ku cantaayaqay hadalo Gef ku ah Shaqsiyadiisa iyo weliba beesha BiyoMaal ee uu kasoo jeedo. Halkan ka dhegayso ...

Read More »

Faahfaahin dheeri ah: Kulankii Xasan Aadan (Shariif Sakiin) iyo Siyaasiyiin AWDIGIL sheegtay.

Sida qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaligu ay baahiyeen maalin-nimadii shalay waxaa magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya kulan ku dhexmaray Xasan Aadan (Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya iyo Siyaasiyiin horey ugu soo fashilmay inay kalsooni ka helaan beelahooda isla markaana dibadjoog haatanba ka ah siyaasada dalka heer Gobol iyo mid Fedraalba kana soo ...

Read More »

Dhegayso…Gud.Maxk.Sare maamulka K/G Sheekh Fanax oo ka hor yimid xil ka qaadis Shariif Xasan ku sameeyay.

Kadib kolkii maalin-nimadii shalay uu Afhayeenka maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Cumar uu Baydhabo ka sheegay in Xilkii laga qaaday Gudoomiyaha Maxkamada Sare maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax. Hadaba si aan wax uga ogaano sida uu u arko xilkaqaadista lagu sameeyay Guidoomiyaha ayaa waxaan weydiinay sida uu u arko xilka qaadistii lagu sameeyay maalin-nimadii shay waxa uuna ...

Read More »

CabdiRaxmaan CabdiShakuur oo xalay ku baryay Xabsiga NISA.

Siyaasiga CabdiRaxmaan CabdiShakuur oo saqdii dhexe ee xalay Ciidamada NISA ay ku weerareen gurigiisa kuna guulaysteen inay soo xiraan ayaa ku baryay Xabsi gaar ah oo ay ciidamadu leeyihiin,Siyaasigan oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sifoowey fowdaynta maamulka Dowliga ah ee hada jira ayaa soo qabashadiisa xalay waxay guulweyn u tahay dowlada Madaxweyne Farmaajo oo iyadu haatan u muuqata inay ku ...

Read More »

Xil.Dalxa”Nin Denbigii Ummadda uu ka Galay Weli ku Dhex Rafanaayo Cafis Malaha ee Waa inuu Towbakeenaa”

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka dhawaajiyay in ku takri fal Awoodeed oo xoog lehi ay ka dhex wadaan gudaha Baarlamaanka masuuliyiin ay qayb ka yihiin Gudoonka Baarlamaanka, Dalxa ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in guud ahaan Gudoonka Baarlamaanka ay ku tunteen awood qaybsiga Baarlamaanka ee ay Soomaalida ku heshiisay. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa Hadalkan ka horjeediyay Baarlamaanka ...

Read More »