Ururka Samalka URDO oo Baardheere Tababar ugu Qabtey Haweenka ka shaqeeya Nadaafada(Sawirro+Dhageyso)

0
642

Ururka Samafalka Wadaniga ah URDO ee  fadhigiisu yahay degmada Baardheere ayaa maanta waxaa uu tababar ku Saabsan Nadaafada ugu Qabtey xaruntooda haween gaaraya ilaa 20 kuwaasi oo ka shaqeeya nadaafada deegaanka muddo ku dhow ilaa labo sanno,waxaana xafladii lagu furayey Tababarkaasi oo socon doona muddo 14 maalin ah ka soo qeyb galey Mas,uuliyiinta Maamulka degmada,Ururka Haweenka iyo xubno ka socdey Guddiga Steerin commiteega ee degmada Baardheere.

Maxamuud Faarax Maxamed oo ah Madaxa Ururka Samafalka URDO oo soo qaban qaabiyey Tababarkani ayaa sheegay haweenka loo qabanayo tababarka in ay yahiin 20,islamarkaana laga soo dhex xuley Xaafadaha degmada,ujeedada ay u qabteen Tababarkani ayuu sheegay  inay la xariiro ilaalinta Nadaafada iyo fayo dhawrka deegaanka,si wax looga qabto nadaafad darida ka taagan degmada.

Tababarkani ayuu sheegay inuu yahay labo qeybood,qeybta 1aad oo ay ku baran doonaan haweenka maareynta wasaqda iyo nadaafada,halka qeybta 2aadna uu ku sheegay waa hal abuurka ganacsiyada yar yarka,mudada uu socdo ka qeyb galayaashu iwaxay ku baran doonaan casharo muhiim ah oo la  xariira labadaasi qeybood,casharadaasi ayuu  tilmaamay in ay bixinayaan macalamiin Aqoon u leh arimaha nadaafada iyo fayo dhowrkaBulshada.

Mas,uuliyiinta kale ee ka Hadley xafladii furitaanka Tababarka ayaa waxaa ka mid ahaa ,Maxamed Ibraahin Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere,Raage Warlow oo ah Madaxa Mashaariicda,Buraale Ibraahin Xaaji oo ah Xoghayaha Dowlada Hoose iyo Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada,Mas,uuliyiintani ayaa waxay carabka ku adkeeyeen ahmiyada tababarka noocani oo kale uu u leeyahay haweenka ka shaqeeya nadaafada.

Marka ay dhamaystaan tababarkan haweenka ayaa qorshaha xiga waxaa uu yahay in lagu wareejiyo ilaa 20 gaari dameer iyo Qalabkooda oo ay ugu shaqeyn doonaan nadaafada deegaanka,iyagoona loo diyaariyey Goobahii Qashinka iyo wasaqda ay ku shubi lahaayeen.

Halkan Riix Si aad u dhegaysato Ururka Samafalka URDO

Khadar Maxamed Siraad

Baardheere/Gedo