Ceel Biyood ku Shaqeeya Soolarka Cad Ceeda oo laga hergeliyey degmada Baardheere(Sawirro+Dhageyso)

0
468

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hergeliyey Ceel biyood ku shaqeynaya Tamarta Soolarka Cadceeda oo ayan horey u lahayn degmada,Ceelkani oo ah Ceelka keliya ee laga heli karo biyo macaan ayaa waxaa hergelintiisa iska kaashadey Maamulka Degmada oo taageero dhaqaale ka helaya mid ka mid ah Hay,ayadaha  Samafalka.

Ceelkani ayaa waxuu ku yaalaa Xaafada Bulsho  ee duleedka Waqooyi ee degmada Baardheere,waxaana markiisii hore Biyo ka heli jirey Xaafadaha u dhow dhow halka uu ku yaalo Ceelka,balse talaabadani lagu qalabeeyey Ceelka ,laguna balaariyey ayaa u horseedaysa in dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere ay helaan Biyo macaan oo nadiif ah,kuwaasi oo dhib badan ku Qabey Isticmaalka Biyaha Webiga Jubba.

Eng.Maxamed Saalax Axmed oo ah Engineerkii Qalabka Soolarka ku rakibay Ceelka ayaa sheegay ujeedada in ay la xariirto sidii loo dabooli lahaa baahida dadka deegaanku ay u qabaan sidii ay u heli lahaayeen Biyo nadiif ah,si islamarkaana looga gudbi lahaa  habka Matorada ee ay Ceelasha ku shaqeeyaan oo kharashkoodu uu aad u badan yahay.

“waxaan maanta dhamaystirney Howshii aan ku rakibaynay Qalabka loo isticmaalayo Ceelka Bulsho,waxaana u aragnaa inuu biyo badan uu siin doono xaafadaha ay ka kooban tahay Baardheere,islamarkaana laga maarmi doono biyahii laga heli jirey webiga ,Soolarka ceelka uu ku shaqeynayo ayaa ah ilaa 32 xabo oo awood u leh in ay biyo badan soo saaraan,waxuuna shaqeyn karaa mudo 12 saacadood maalin kastaaba,waxaana u tababarney shaqadaasi ilaa 4 ruux ,waxuuna Qalabkani uu leeyahay damaanad muddo hal sanno ah sidaasi waxaa yiri Eng.Maxamed Saalax Axmed oo ah Engineerkii Qalabka Soolarka ku rakibay Ceelka Bulsho.

Aden faarax Cali waa Maamlaha Ceelka Bulsho waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Maalgelinta lagu sameeyey Ceelka,Qalabeynta iyo balaarinta in wax weyn ay ka tari doonto inaan daboolno baahiyaha xaga biyaha ee ka taagnaa degmada,waxuuna balan qaadey in Biyaha uu ku siin doono Bulshada Qiimo jaban,islamarkaana goobo ay ka mid yahiin Xeryaha Barakacayaasha,Iskuulada iyo Masaajidyada biyaha uu ku siin doono si lacag la,aan ah.

Sidoo kale Ismaaciil Sh Cabdi Qorax(Koofi) oo ah G/ku xigeenka degmada Baardheere  ayaa ku amaanay Mas,uuliyiintii iyo Enjineeradii gacanta ka geystey Hergelinta Ceelkan ku shaqeeynaya habka soolarka in degmada ay ku soo kordhiyeen Horomar la taaban karo ,talaabadani ayuu sheeegay Rajo badan in ay ku abuurtey kumanaan dadweyne ah oo baahi weyn u qabey in laga saacido adeegyada Biyaha.

Halkan ka dhegayso wareysiga

Halkan ka dhegayso wareysiga

Xafiiska Wadajirradio Baardheere.

Axmed Cumar Saalixi.