Faahfaahin dheeri ah: Kulankii Xasan Aadan (Shariif Sakiin) iyo Siyaasiyiin AWDIGIL sheegtay.

1
143

Sida qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaligu ay baahiyeen maalin-nimadii shalay waxaa magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya kulan ku dhexmaray Xasan Aadan (Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya iyo Siyaasiyiin horey ugu soo fashilmay inay kalsooni ka helaan beelahooda isla markaana dibadjoog haatanba ka ah siyaasada dalka heer Gobol iyo mid Fedraalba kana soo jeeda beelaha AWDIGIL.

*Waa ayo Kooxdan?

Kooxdan waa koox soo shaac baxday kadib kolkii ay ku soo wada guul dareysteen helida kuraasta Baarlamaanka fedraalka beelahooda ee loogu tartamay magaalada Baydhabo caasimada gobolka Baay sanadkii 2016dii,Kadibna waxay kooxdan bilaabeen inay isu abaabulaan qaab Mooryaan Siyaasadeed leh waji mucaaradnimo ay ku mucaaradayaan Madaxweynaha maamulka loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya Xasan Aadan(Shariif Sakiin) oo iyaga Fashilka kasoo wajahay beelahoodana iska dhaadhiciyay inuu isaga ka danbeeyey tan iyo xiligaasna waxay kooxdani dadaal badan u galeen sidii ay mar uun uga soo muuqan lahaayeen warbaahinta iyagoo adeegsanaya dacaayado ay ku muujinayaan inay weli siyaasada dalka ay ku dhex jiraan isla markaana ay weli mug iyo muuqaal siyaasadeed ku leeyihiin gudaha xafiisyada Madaxda dalka.

*Waa mxay danaha uu Kooxdan ka leeyahay Xasan Aadan(Shariif Sakiin)?
Isbahaysatadan Qariskatuurka ah ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay Masraxa Siyaasadeed markale uga soo muuqan lahaayeen waxaana haatan u gacan haatiyay Xasan Aadan(Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya oo isaga haatan ciriiri Siyaasadeed,mid Bulsho iyo Dhaqaale heer walba lihi dhexda kaga jira isla markaana kooxdan u arko inay yihiin kuwa uu ku fushan karo danihiisa gaarka ah ee uu ka leeyahay gudaha Beelaha AwDigil maadaama ay yihiin kaliya kuwo daneynaaya inay dib ugu soo laabtaan masraxa siyaasadeed dalka Qiime kasta oo ugu kacaba.

Ma ahan kooxdan kuwo leh mabda’ Siyaasadeed iyo aragti ku qotonta badbaadin ummaddeed sidaa daraadeed ayaa Xasan Aadan(Shariif Sakiin) Madaxweynaha maamulka waxa loogu yeero KoonfurGalbeed Soomaaliya waxa uu u doortay inuu u adeegsado xiligan burburinta kacdoonka maamulkiisa looga soo horjeedo ee haatan ka jira gobolka Shabeelaha hoose sidoo kalena uu gacan ugu helo inuu markale dib u hanto kursiga ugu sareeya maamulka KoonfurGalbeed oo uu haatanba sida sharci darada ah ugu fadhiyo kolka la gaaro doorashada dhici doonta Nofembartan soo socota.”Waaba Hadii Ay Dhacdo ee”.

*Kooxadan Kalsooni maku qabaan beelaha ay Matalaan?.

Guud ahaan Beelaha la sheego inay kasoo jeedaan Shakhsiyaadkan ayaa waxay wada qirayaan in dhab ahaantii ayan ahayn kuwo u dhashay beelaha ay magacooda masraxa Siyaasdeed ee dalka ku saaran yihiin taa darteedana waxay ku waayeen Kalsoonida Beelaha iyadoo taasina ayba u dheertahay Wax qabad la’aan mudadii dheereyd ee ay magaca beelaha ayan u dhalan ay xilalka ku hayeen.

-Dr.Khaalid Cumar Cali oo ah hogaamiyaha kooxdan Qariskatuurka ah ayaa horey waxa uu usoo noqday Xildhibaan beelaha Begedi tan iyo Ambagati xilal kala gedisan oo golaha Wasiiradana soo qabtay waa nin aan u dhalan Beesha,Waxa uuna u dhashay beesha reer FAQI ee BANAADIRI.

-Avv.Muumino Sheekh Cumar Waxay magaca beesha Tuni ku soo noqotay Xildhibaan hore,Waxay hada isla magaca beesha ku haysaa xubin gudiga garsoorka waxay u dhalatay beesha Murusade.

-Eng.Saalax Sheekh Cusmaan Wasiirkii hore ee Howlahaguud iyo Guriyaynta,Inkasta oo aan weligiis xil Xildhibaanimo aanu qaban ayaa hadana waxa la rumaysan amaba Xaqiiqdu tahay in Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen(Xuseen Uurkuus) uu Geed fadhi u yahay Eng.Saalax isla markaana ay walaashiis dhashay Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen(Xuseen Uurkuus) ayaa ku fadhiya kursiga Baarlamaanka Beesha Galadi walow uu u dhashay Beesha Jiido.

*Maxaa kasoo baxay Kulanka?.

Kulankan oo abaabulkiisu lahaayeen Kooxdan danleyda ah ee Qariskatuur ayaa waxaa si ka warqab la’aan ah ku soo xaadiray kulanka Malaaqa Shanta Caleen Malaaq Siidoow Maadoow oo runtii kulankaasi fashiliyay kadib kolkii uu dhegaystay kulanka iyo Ajandihiisa.

Ajandaha kulanka oo kooxda ku sheegtay Iscafin,Dib u heshiisiin iyo Wadashaqeyn dhex marta maamulka Xasan Aadan(Shariif Sakiin) iyo Kooxda Qariskatuur ayaa hadal ka hor waxaa ka biyo diiday Malaaq Siidoow Maadoow oo kulanka ka hor cadeeyay Ajandaha laga hadli rabo in aanu ahayn mid ay ka Go’aan qaadan karaan Shaqsiyaadka meesha fadhiya ee kulanka ku matalaya magaca Beelaha AWDIGIL,Malaaqa ayaa u sheegay kulanka in loo baahan yahay kolkii la galaayo heshiis noocan oo kale ah inay goobta joogaan mas’uuliyiinta talada beelaha AWDIGIL ka go’da oo ay ugu horeeyaan Madaxda dhaqanka.

Waxaana arikan Waran Wadno ku dhacay ku noqday hogaamiyayaashii kulan oo runtii Ajandahoodu ahaa inay DHIIQO KA KALUUMAYSTAAN,Kadibna si ay u badbaadiyaan kulankooda waxay go’aamiyeen inay kulamada Badiyaan isla markaana kulamada kulankan xigi doonaan ay Baydhabo ka dhacaan iyadoo aan wax wakhti ah loo qaban.

Xigasho: Wadajirradio Atlanta.

1 COMMENT

  1. A/C
    War San ku fsrscno staff not sheegteen marka laga saaro malaqa inta kale Cid ay matalaan
    Ma jiro waa in loo diyaar garobaa sidii sakiin loo ridi koley dibabadda diyargarow wuu bilawday

Comments are closed.