Amisom oo Sheegtey Iney Sare u Qaadi Doonto Tayeynta Ciidamada Somaliyeed

0
65

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga dalka, kahor inta aysan ka bixin dalka.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in Ciidamada Soomaaliya lagu dhiso awoodda heerarka caalamiga ah ee la aqbali karo.

Ciidamada AMISOM ayaa la rajeynayaa in sanadkan ay ka baxaan sugidda ammaanka magaalooyinka muhiimka ah, si loogu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya oo hada ku jira diyaar garow balaaran.

1,000 Askari ayaa Soomaaliya laga saaray Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii 2017, kadib markii Golaha Ammaanka uu ku dhawaaqay in AMISOM wixii hada ka dambeeya ay Soomaaliya uga baxaan si tartiib, tartiib ah.

Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin 1-dii January 2018 Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”