Ciidamada dowlada oo howlo ka dhan alshabab ka sameeyey deegaano hoostaga degmada buulaburde

0
73

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyey saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanada kala ah Hilweyn, Caag bashiir, Biya madoobe iyo Beera yabaal oo ah dhamaantood ah deegaano ka tirsan degmada Buulaburte.

Deegaanadaan ciidanku howlgalada ka fuliyeen ayaa intooda badan ah kuwa ku yaala jiinka wabiga Shabeelle oo ay kooxda Al-shabaab kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan magaaloyinka Buulaburte iyo Halgan.

Taliyaha Ururka 8-aad guutada18-aad ee ciidanka Gor gor oo howlgalada hogaaminayay ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay weerareen goobo ay ku dhuumaleysanayeen kooxdu, islamarkaana ay burburiyeen gabaadyadoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here