Reysulwasaare Xamsa oo dhawaan booqan doona dalka kenya

0
68

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu booqasho ku tago dalka Kenya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo raysal wasaare Xamsa uu tago Nairobi isagoo Ra’iisul Wasaare ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 25kii Juun 2022.

Safarka raysal wasaare Xamse ayaa la filayaa inuu ku saabsan yahay, dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada dal oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah, duulista, ganacsiga iyo maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dal.

Maalmo ka horna, wasiirka beeraha Kenya ayaa sheegay in bisha May ay Soomaaliya iyo Kenya wada gali doonaan heshiis ganacsi oo ku saabsan Qaadka Miirowga ee Kenya ay usoo dhoofiso Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here