Qaramada midoobey oo ka digeytey dhibaatooyinka ka imaan kara roobabka Guga

0
67

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay fatahaado baahsan oo ka dhaca Soomaaliya, sababo la xiriira xilli roobaadka Guga, kuwaasi oo barakicin kara boqolaal kun oo qof.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA), roobab mahiigaan ah oo da’aya bilaha April-June ayaa la filayaa in ay saameeyaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo.

OCHA waxay sheegtay in shaqaalaha bani’aadamnimada ay diyaariyeen qorshayaal lagu yareynayo saameynta la filan karo. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay sheegtay in ilo degdeg ah weli loo baahan yahay si loo xaqiijiyo jawaabta waqtiga ku habboon.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in kala kaashatay mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya dadaallada diyaar-garowga ah ee uu hagayo qorshe hawleed lix bilood ah oo dhan $5.9 milyan si wax looga qabto xaaladaha daacuunka ee ka dhalan kara fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here