Maamulka koonfur galbeed oo kala dhex gaay beelo maahi lasoo dhaafay ku dagaalamayey degmada diinsoor

0
63

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda amniga maamulkaas ayaa u tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay xal u helida dagaal beeleed ka dhacay degmadaas.

Masuuliyiinta ayaa ugu horeyn kormeer ku tegay goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidanka labada beeleed ee dhawaan ku dagaalamay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyagoona ku guuleystay iney kala qaadeen maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in dagaal uusan u wanaagsaneyn dadka shacabka ah, islamarkaana labada dhinac looga baahan yahay iney nabad ku wada noolaadaan.

Wuxuu ugu baaqay waxgaradka degmada iney xoojiyaan nabada, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii degmada iyo deegaanada kale ku xeeran uusan markale ugu dhicin dagaal u dhaxeeya dadka walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here