Markab dagaal oo laga leeyahay dalka turkiga oo kusoo wajahan dekeda magalada muqdisho

0
67

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka turkiga ayaa la filayaa maanta in uu kusoo xirto dekeda weyn ee magalada muqdisho iyadoo talaabadi ay qeyb ka tahay heshiiska iskaashi ee dhalka difaaca ah ee ay wada saxiixdeen dowlada turkiga iyo dowlada somaliya.

Waxaa hakad ku yimid dhamaan howlihii ka socdey dekeda magalada muqdisho iyadoo la filaayo in madaxweynaha dowlada federaalka somaliya uu ka qeyb qaato xaflada soo dhaweynta markabkan.

Sida ku cad heshiiskaas oo ay saxiixeen wasiirradooda gaashaandhigga, isla markaana ay ansixiyeen bishii Febraayo ee baarlamaanka Soomaaliya, Turkigu wuxuu siin doonaa tababaro iyo qalabayn ciidamada badda Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa Soomaaliya inay ka ilaaliso kheyraadka badda iyo ka hortagga argagixisada, burcad-badeedda iyo faragalinta Shisheeyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here