Madaxweynaha dowlada federaalka oo maanta gaaray dalka kenya

0
77

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee Kenya si uu uga qayb-lgalo Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweye Xasan Sheekh uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in safarka Madaxweynaha uu ku soo beegmay xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo iyo mashaariic horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here