Hey’ada maareynta iyo masiibooyinka oo ka digtey roobab la filaayo iney ka da’aan gobolada dalka

0
46

Hay’adda Maareynta iyo Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa soo saartay digniino hor leh ku aadan in maalmaha soo socda qaar ka mid ah gobolada dalka ka da’i doonaan roobab ay ka dhalan karaan daadad iyo fatahaado.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa lagu sheegay in tobanka cisho ee soo socota roobabka filayo iney da’aan gobolada kala Hiiraan, Gedo, Jubbooyinka iyo Shabeelaha Dhaxe iney saameyn xoogan oo dhanka nolosha ah ku yeelan karaan dadka iyo duunyada kunool goboladaasi.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ugu baaqday dadka ku nool gobolada iyo magaalooyinka laga cabsi qabo in daadadka iyo fatahaadu saameyn karaan iney galaan feejignaan dheeri ah, si ay uga bad baadaan saameynta ka dhalan karta dhibaatooyinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here