Kenya iyo somaliya oo kala saxiixdey heshiisyo wax ku ool ah

0
75

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galinkii dambe ee Shalay ku kala saxiixday magaalada Nairobi heshiisyo is afgarad oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha Dibada, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Heshiiskaan oo ahaa is afgarad dhexmaray laba dowladood ayaa waxaa u kala saxiixay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya Axmed Macallin Fiqi iyo Musalia Mudavadi, waxaana heshiisyadaan ay yihiin kuwa kor loogu qaadayo xiriirka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiska dhanka Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi baarista ayaa sidoo kale Soomaaliya iyo Kenya waxaa sidoo kale u kala saxiixay Wasiiradda Waxbarashada labada dal Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Ezekiel Machogu.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo heshiiska is afgarad u saxiixay dhanka dowladda Soomaaliya ayaa si kooban u sharaxay qodobada ugu muhiimsanaa ee heshiiska ay kala saxiixdeen dhigiisa dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here