Maamul Goboleedka Puntland iyo Maamulka Axmed Madoobe oo Qaadacay Shirka Hiigsida 2016 ee Maanta Ka Furmey Magalada Muqdisho

0
21

Puntland iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta ka qaybgalayn shirka looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia (New Deal) kaasoo ka dhacaya Muqdisho, ayna shir guddoominayaan madaxweynaha Somalia iyo Danjire Nichollas Kay.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa Qorshayaasha 2016-ka iyo waxyaabaha la Qaban doono muddada u hartay Dowladda Somalia, iyadoo horay ballantu u ahayd in sannadka 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u Qaadacay ka Qayb-galka Shirkan, kaddib markii ay Dowladda Federaalka Somalia ku eedeeyeen inay marin habaabisay Dastuurka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Axmed Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qayb-geli doonin shirka Muqdisho ka furmaya Maanta.