Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Maanta Magalada Muqdisho ka Furey Shirka Hiigsiga 2016

0
31

Madaxweynaha dowlada federlaka somaliya Xasan Sheekh ayaa goor-dhaw furay shirweynaha Hiigsiga 2016-ka oo ka dhacaya Muqdisho, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Xubno ka mid ah Dowladda iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo halkaasi ka jeediyey qudbadii furitaanka ayaa sheegey in shirka ay ku sugan yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika iyo Maamul Goboleed Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Dhammaan xubnaha ka Qaybg-alaya Shirkan ayaa waxay daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee shirkan ayaa looga hadli doonaa hiigsiga 2016 aydoo ay shirkan qaadaceen maamul goboleedka puntland iyo Maamulka Axmed Madoobe.