Midowga yurub oo u ansixiyey 116.9 milyan sara u qaadida amniga dalka somaliya

0
61

Midowga Yurub ayaa ansixiyay $74.4 milyan oo dollar oo loogu talo galay qarashka ku baxaya wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhammaadka sanadkan 2024.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu $42.5 milyan ku taageeri doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda masuuliyadda amni ee dalkooda.

Sannadkii 2023-kii, howgalka ATMIS ayaa bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, iyadoo loo hoggaansamayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo baxay 2023.

ATMIS ayaa soo gebagebeysay wejigii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, waxaana ay 13 saldhig oo ciidan ku wareejisay ciidamada nabad sugidda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here