Ciidamada dowlada oo aroortii hore ee saaka weerar ku qaadey xerooyin ay ku sugnaayeen alshabab

0
57

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan aroornimadii hore ee saakay ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa ciidamada waxay si gaar ah uga fuliyeen tuulada Taflow oo qiyaas ahaan dhanka Koonfureed kaga beegaan degmada Bardaale 28 KM, halkaas oo ay saldhig ku lahayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgakaas lagu dilay 9 ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidanku ku soo furteen hub kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada is kaashanaya ay haatan gacanta ku hayaan tuulada Taflow oo ka mid aheyd goobaha kooxda Al-shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan degmada Bardaale ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here