Ciidamada daraawiishta maamulka koonfur galbeed iyo ciidan xeran dareyska dowlada oo ku dagaalamay degmada baraawe

0
140

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo geystay khsaare nafeed iyo barakac ay sameysay bulshada ku nool magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo u abaabulan qaab beeleed isla markaasina xiran dareyska ciidamada dowlada iyo ciidan ka tirsan daraawiishta maamulkaK/Galbeed.

Inta la xaqiijiyey saddex askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Waa markii labaad oo dagaal culus uu Baraawe ku dhexmarayo ciidamadan u abaabulan qaab beeleedka iyo daraawiishta K/Galbeed, waxayna ala aiyo weli la garan la yahay waxa ay ciidamada kuu labisan dareyska dowlada ka dhex qabanayaan gudaha magalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here