Madaxweynaha oo fariin u direy ciidamada qalabka-sida

0
107

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u direy ciidanka, isaga oo ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda sannad guurada 64-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cuna-qabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha ciidamada xoogga dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here