Amniga magalada muqdisho oo aad loo adkeeyey

0
90

Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay muujisay feejignaan weyn, si looga hortago in weerarro argagixiso ay ka dhacaan caasimadda.

Ciidamada ammaanka ee Booliska iyo Nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyey tiradooda, waxaana si gaar ah loo adkeeyey ammaanka dhowr goobood oo ay ka mid yihiin Hoteelada ku yaalla xeebta Liido, aagga garoonka Aadan Cadde, xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyo goobo kale oo laga cabsi qabo inay weerarro ka dhacaan.

Xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mid ah goobaha laga digayo inay Shabaab weeraraan, waxaa lagu wareejiyey dhagaxaan iyo juwaano ciid ah, sidoo kale waxaa la kordhiyey ciidamada ilaaliya wasaaradda.

Sidoo kale cabsida amni ee saacadihii lasoo dhaafay ay gashay Muqdisho ayaa sababtay inay dalka ka joogsadaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, kadib markii ay soo baxday digniintii dowladda Mareykanka.

Aagga madaxtooyada Soomaaliya waa halka ugu daran oo si aan horay loo arkin loo adkeeyey amniga, hadana habeen hore waxaa lagu garaacay Hoobiye la garan waayey halka laga soo riday, waxaana caasimadda Muqdisho ka jirta feejignaan amni tii ugu sareysay ee waayahaan la arko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here