Ciidamada dowlada oo fashiliyey weerar ay alshabab ka geysan rabtey deegaanka Baarsanguuni ee gobolka jubada hoose

0
94

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa fashiliyay weerar kooxda Al-shabaab ka geysan rabtay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka ay dooneysay kooxdu iney ka fuliso Baarsanguuni, islamarkaana haatan ay ciidanku wadaan howlgalo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Jubbaland ay ka mid tahay meelaha ay wali ku xoogan yihiin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here