Faahfaahin Dheeri oo Ku saabsan Burcadii Dilka Geystey oo aan Ka Helney Degmada Wanleweyn

5
28

Faahfaahin dheeri ah oo ay aynu ka heleyno degmada wanleweyn ayaa waxaa la sheegaayaan in maamulka degmada iyo ciidamada dowlada federalka uga sugan degmada wanleweyn ay gacanta kusoo dhigeen laba ka mid dadkii falka arxandarada ah ka geystey suuqa degmada wanleweyn.

Labadan ruux ee lasoo qabtey ayaa waxaa ay kala yihiin Xasan Maxmed Cabdi oo ahaa taliyaha horinta koowaad ee guutada lexdaad ee ciidanka dowlada ee ku sugan deegaanka, Taliyahan ayaa la sheegey in uu ahaa taliyihii amrey in kooxdan in ay isbaarada dhigtaan tuulada aw osmaan ee ka tirsan degmada wanleweyn oo uu markii hore rabshada kasoo bilaabatey.

Burcadka kale ee gacanta lagu hayo ayaa isna waxaa lagu magacaabaa Dable Cali Shiine oo isna markii hore kusoo dhaawacmey tuulada ow osmaan oo ay isbaaro rabeen in ay dhigtaan.

Waxaa kaloo ilaa iyo hada la sheegayaa in lagu daba taagan yahay midkii geystey dil oo ilaa iyo hada aan lagu heyn meel balse wararka hoose oo ay ka heleyno degmada ayaa sheegaya in lagu raad joogo ninkii falkaasi geystey lana hor keeni doono sharciga.

Burcadan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la horgeeyo maxkamada ciidanka qalabka si loogu qaado sharciga loogana abaal mariyo falkii ay geysteen.

Si kastaba arintu ha ahaatee burcadan labisan dareyska dowladakana soo jeeda beesha abgaal ayaa gobolka shabeelaha hose waxaa ay ka geystaan dhibaatoyin aad u badan taasoo ilaa iyo hada aysan ka hadlin maamulka fadhiidka ee Shariif Xasan iyo welilba mida dowlada federalka.

 

5 COMMENTS

  1. War ha-noolaan, Ha nabadoon, Reerka USC-HAWIYE, Ku Abtirsadaan Dadka Gobolka ha u kaceen,1 2 3 jeer ayaan idiinku Wacdinay, dad aan Dad iyo Deegaan aan u Naxayn u soo istaagay waxaad uga aamustaan ama aad uga baqdaan ma jirtee, Geerina waxaa ugu Wanaagsan Tan Aad ku difaacdo Naftaada & Maalkaga, Meeshana Dowlad ma jirtee isku Tasha Beelaha Deegaanka Goboladaa wada Dega.

  2. Waxaad Ogaataan idinkoo soo jeeda ayaa Ciidan Kumaan -kun, Gobolka lagu soo daa-diyay, Joojiya Beerashada iyo Dhaqashada Xoolaha, Kuwan Cawaanta ah ee la idin soo direy shaqo ka qabta kuna Jihaada, Haddii kale waxaad ku jireysaan Axmaqnimo iyo Dulinimo aan dhamaad laheyn.

  3. Waan ka xumahay waana canbaareenayaa falka meesha ka dhacay ee lagu hunguriyeeyo 10baabuur dhameen waxee Ku tuseesaa maamul xumada heesata gobalka shabeelada goose gaar ahaan walla ween waxaan ahay mid ka mid ah dadka soo jeeda tuulada Aw osmaan.

  4. waa wax aad loogu xumaado walibo in shaatiga dowladnimada loo isticmaalo dhibateynta shacabka gobolka shabellaha hoose waxay noqotay nolol maalmeedka shacabka in mar kasto dhac kufsi dil jirdil iwm loogu adeegsado magacii dowladnimada soomaliya, ilaa haatan si walbo aya loo canbareyay dhacdoyinkas an kor kuso xusay sido kale mar walbo waxaa baaq loogu diraa dowlada soo dirsata mooryaantaas an naxariista leheen wax jawab ahna lagama haayo, micnahedu waa hadad iska celin karto iska celi hadii adan iska celin karin cawaadka joojiya reer shabelaha hoose, in badan rajada shacabka waxay so labatay marki ay maqlen maamul goboled aya la idin sameyay balse ma noqon sida ay ku riyoon jiren mar walbo dowlada uu hogaamiyo shariif xasan aya noqotay mgac uyeel garta siisa hawiyaha iyo mooryantooda… hadaba maxa inala gudboon waye su,asha mesha taalo.?

Comments are closed.