Ciidamada Dowlada oo Kaashanaaya Kuwa Amison iyo Alshabab oo Ku Dagaalamey Deegaanka Cara-Case ee Gobolka Gedo

0
30

Dagaal mudo saacado ah socday ayaa ciidanka Dowladda Somalia, oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray Deegaanka Cara-case ee Gobolka Gedo, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Wararka ayaa intaas ku daray in Deegaanka uu Dagaalkan Culusi maanta ka Dhacay uu u Dhexeeyo Degmooyinka Balad-xaawo iyo Garbahaarey oo ah xarunta Gobolka Gedo uuna 50-KM dhanka Waqooyi kaga beegan yahay Garbahaareey.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow deegaanka lagu dagalamaya ayaa u sheegay Warbaahinta Qaarkeed inay maqlayeen hub culus oo dhinacyadu ay u adeegsanayeen dagaalka.

Ilaa iyo hada lama hayo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashey dagaalkan balse waxaa la sheegayaa in weli labada ciidan isku hor fadhiyaan deegaanka uu dagaalka ka dhacay.