Maamulka Fadhiidka ee Shariif Xasan oo La Filaayo Inuu Isku Shaandheyn Ku Sameeyo Wasiiradiisa

4
20

Wasiirada Koonfur Galbeed oo isbedel lagu sameen doono iyo Wasiiro Xusul duub ugu jira inay helaan Xillibaano.
Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan isbedel uu ku sameeyo Wasiirada hada u magacaaban oo qaarkoodba markii hore si qaldan kusoo galey wasiirnimada maadaama aysan ka mid aheyd dadka deegeenka.

Wasiirada oo Markii la magacaabay lagu sheegay Isbaaro qaad aan wax dan ah laga lahayn ayaa tan iyo markii la magacaabay aan qabsan wax howl ah oo ku aadan Wasaaradaha loo magacaabay.

Wasiirada ayaa hada gaaraya in ka badan Lexdan (60) oo aan lagu soo xulin karti iyo aqoon hase ahaatee lagu keenay dano iyo arimo gaar ah ayaa sida muuqata waayi doona jagooyinkooda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wasiirada ay hada bilaabeen inay xod xotaan Odayaasha laga yaabo inay soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka, si ugu yaraan ay uga soo dhex muuqdaan Saaxada siyaasadeed ee Koonfur galbeed.
Sharif Xasan ayaa soo saari doona Ku dhawaad 16 -18 Wasaaraood oo uu soo xuli doono walow aan la ogeyn inay ka mid noqon doonaan Wasiiradii lagu sheegay markii la magacaabayey Isbaaro qaad.

Tan iyo Markii la magacaabay maamulka shariif Xasan ayaan muuqan wax howl ah oo ay qabteen oo aan aheyn in ay gobolada qaarkood sida gobolka shabeelaha hoose ay u xalaaleeyaan dadkii xooga ku heystey 25 sano ee lasoo dhaafey iyo ayagoo kusoo kordhiyey isbaarooyin cusub deegaanka si ay lacagta dadka uga gurtaan.

4 COMMENTS

  1. Warkaan ook kalender ayaa la idinka rabaa inaad tabisaan ook xaqa kan tarjumaayo waar idinsheegey in shariifka xeeladiisa aan lagaari marine ook siyaasad uukawato dadka duulaanka ah in uusifeynaayo mar horaa idinsheegey een dadka hadaan saxda ah Hallo soort gudbiyo

  2. DAAFEET.COM WARKEEDA MA XUMA WAA ARIN FIICAN KUNA HABOON INEY MADAXDA MAMULKA KAMDHIIDHIYAAN, BALSE WAXAASE MEESHA KU JIRA NIN DULAAL AH OO RABA INUU IIBSADA SHACABKA K-GALBEED WAANA SHARIIF SAKIIN, WAXAAN SHAKI KU JIRIN OO HUBAAL AH WASIIRADA HADA UUSOO MAGACAABI DOONO INEY KA DARAN TAHAY MIDA HORE, WAAYO NINKAAN SAKIIN DIIN MALAHAN ALLLENA KAMA CABSADO WAA NINKA HADA KA HORE SHEEGTEY INUU ASAL AHAAN KA SOO JEEDO REER BANII ISRA’IIL, KKK YAANAN LAGA SUGIN WAX WANAAG AH EE AAN KA TASHANO INTEY GOORI GOORTAHAY

  3. Faq biimal sey wax aa yihiin qaabka aad waxbaa kamaqan qoraalkaada hadabaisisii sax saaxiib aflagaadana daa mucaarad noqo laaakiin Cayda waa ceeb

  4. yaab maamulka K/GALBEED waa maamul la rabo in isbaaro lagu dhiso kuwa somalida kalene aduunyada hay adaha caalamiga ayaa lacag dhaqaalo loo raadsadaa reer K/GALBEED somalida kale waa ay ka hareen sida inoo muuqato oo waaqica ah K/Galbeed 1991 waa sanadka K/GALBEED

Comments are closed.