Ciidamada Dowlada oo Ka Hadley Minooyin ay Alshabab ku astey Degmada Diinsoor

0
25

Taliska Ciidamada dowlada qeybta 60-aad ayaa faahfaahin ka bixiyay baaritaano ay ka sameeyeeyn Degmada Diinsoor halkaasi oo ay ka heleen waxyaabaha qarxa oo ay alshabab halkaasi ku aastey.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka degmada Diinsoor gaar ahaan qaybta 60-aad Ismaaciil Khaliif Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamdadda Qaranka ay heleen miinooyin dhulka ay ku Aaseen kooxda Al-shabaab isla markaana ay wali Baari doonaan Meelkasta oo ay ku arkaan Miino si Qatartaas dadka looga bad’baadiyo.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay Abaanduulaha in ay Dowladda muhiim u tahay inay Shabab ka saaraan Degmooyinkii Goobnaa oo ay horay u haysteen isla markaana ay tahay degmada Diinsoor halkii ugu Dambeeysay ee Gobolka Baay oo ay Dowladdu ka saarto shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee ciidamada dowlada oo kaashaanaaya ciidanka amisom ayaa sidookale dhowr meel sidan oo kale kaga saarey alshabab ayagoo isla markaana shacabka ugu bedeley alxan daro xasuuq iyo isbaaro aan dhamaaneyn.