Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Magalada Muqdisho Kula Kulmey Grant Shapps

0
29

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Grant Shapps oo booqasho laba maalmood ah waddanka ku yimid.

Madaxweynaha ayaa wasiirka uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya dhinacyada, amniga,siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Waxaa uu Madaxweynaha Boqortooyada UK uga mahad celiyey, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, ahna Sii-Hayaha Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Britain, Mr Shapps, oo ayaa dhankiisa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey dhowaanahan, gaar ahaan dhinacyada amniga.

Waxaa kale oo uu ku ammaaney Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada hirgelinta federaalka, maareynta maaliyadda iyo xisaabadka dowladda iyo dadaalka dhinaca dib u heshiisiinta.

Wasiirka ayaa intii uu dalka joogay kulamo la qaatey mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.