Gudiga Xududaha oo Gudoomiye u Doortey Khaliif C/kariin Maxamed

0
26

Gudiga xuduudaha ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen magalada muqdisho kulankan oo ahaa kulan ay ku dooranayeen gudoomiyaha gudiga xuduudaha iyo ku xigeenkiisa.

Halka kulanka doorashada ay ka dhaceysey ayaa waxaa goob jog ahaa xubno ka socday Wasaarada arimaha gudaha xukuumada iyo Federalka Somaliya kuwaasi oo kor joogta ka ahaa doorashada lana socday Habsami wanaaga ay u dhacday.

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa waxaa wax dooranaysay sideed ka mid ah. Waxayna Gudoomiyaha Guddiga u doorteen Khaliif C/kariin Maxamed. Waxayna Gudoomiye Ku Xigeen u doorteen Muuse Waxgarad C/laahi, halka Xoghaye loo doortay Liibaan Cali Sahal.

Gudoomiyaha oo ka hadlay madasha lagu doortay, ayaa wuxuu si diiran u soo dhaweeyay xilkaasi loo doortay, waxaana uu u mahadceliyey dhamaan xubnihii doortey iyo kuwii aan dooran.