Qarax Goor Dhaweyd Lala beegsadey Hotel Jaziira ee Magalada Muqdisho

0
36

Qarax weyn oo is-miidaamin ah ayaa Goor-dhow Waxaa lala beegsaday Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ku yaalla Waddada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Aadda.

Wararka hordhaca ah ee ka imaanaya goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in Gaari Waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay albaabka laga galo Hoteelka Jaziira oo ku dhow Dhismaha ay deggen tahay Xarunta UNDP ee Muqdisho.

Ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda ayaa xiray waddada Garoonka Aadan Cadde iyo Is-goyska KM-4 isku xira, iyadoo Dadka iyo Gaadiidka loo diiday inay maraan Waddada Aadda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in ilaa iyo hada inay ku dhinteen 6 ruux dhaawacana uu kor u dhaafey 12 ruux.