Ciidamada AMISOM oo ka ruqaansaday degmada Awdheegle.

1
148

awWararka caawa ka imaanaya degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in guud ahaan ciidamada AMISOM ee ku sugnaa gudaha iyo daafaha magaalada ay galabta ka ruqaansadeen magaalada.

Warar kala gedisan ayaa waxay kasoo baxayaan ka bixista ciidamada reer Afrika ee AMISOM gudaha degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose.

Goobjoogayaal ku sugnaa Buundada kala barta magaalada ayaa ku waramay inay arkayeen ciidamo tirabadan oo reer Afrika ah iyo Qalabkoodii oo kasii gudbaaya Buundada iyagoo intooda badan ay Afka saareen deegaanka Bariire ee degmada Awdheegle halka in yar oo ka mid ahna la arkayay iyagoo sii qaaday wadada aada deegaanka Janaale.

Maamulka degmada oo awalba ku sugnaa Muqdisho intii la magacaabayna aanu magaaladaba tagin ayaa wax war ah kasoo saari ka bixida degmada Awdheegle ay ka baxeen ciidamada reer Afrika ee AMISOM.

Ciidamada reer Afrika ee AMISOM ayaa ku sugnaa degmada Awdheegle tan iyo intii sanadkii tagay bartamihiisii ay ka saareen Xarakada Shabaab,Iyadoo haatan Xarakada Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano badan oo hoos taga degmada Awdheegle sida deegaanka Tooratoorow.

Lama oga xaalka degmada waxa uu noqon doono balse xaalada guud ee degmada waa mid degan sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

1 COMMENT

  1. Waa istratigy waan garan karnaa waxa ka danbeeya,ogaada Awdigilow dal dadkiisa ilaashada,kaca oo ilaashada dalkiina jyo dadkiina cid idin ilaalineyso majirto,cadow baa idin ku fool leh saacado dhow,kana digtoonaada shirka maanta ka dhacaa jinaale waa shirgool la doonaayo in la idnku kala qeybiyo cududa mideysan digil iyo biimaal,waxaana ka danbeeya habargidir iyo dhuuneqaatayaal u adeega.

Comments are closed.