Laba Askari oo Ku Xukunaa Xun Dil Ah oo Maanta Lagu Toogtey Iskoola Bolisiya

0
78

dilMaxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay u dilay dad shacab ah, iyadoo fulinta dilkan ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad.

Askartan dilka toogasho lagu fuliyay ayaa kala ahaa; C/raxmaan Ciise Axmed oo 20-jir ahaa oo sannadkii 2012-kii dilay ruux lagu magacaabi jiray, Siciid Dhiblaawe Siyaad. Askariga kalena waxaa lagu magacaabi jiray; C/llaahi Cali Cabdi Cigaal oo isna horay u dilay laba ruux oo la kala oran jiray; Maxamuud Xuseen Cabdi iyo Sahro Sheekh Cumar.

Mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in xukunkan uu ahaa mid ay askartan horay ugu rideen, ayna maanta ku fuliyeen, iyagoo sheegay in ruux walba oo lagu helo dambi noocan oo kale ah uu mudan doono dil toogasho.

Si kasataba arintu ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ay ku fuliso xukunno dil ah askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.