Guuxa dad weynaha”Cadaawahan nahaysta Waraf maku daynaa?”

5
55

sawirGaranay oo maqalnay codka maamulka Madaxda Maamulka koonfurGalbeed ee Guuxa dadweynaha KoonfurGalbeed ma maqasheen?

Guud ahaan Shacabka KoonfurGalbeed oo la yaaban qaabka uu maamulka wax u wado ayaa hadana waxaa meel dheer laga dheehan karaa qaabka ay fariimaha argagaxa lihi u bixinayaan guud ahaan Shacabka KoonfurGalbeed si gaar ah waxgaradka Garaadka Aqooneed ILLAAH ku manaystay.

Waa dhab oraahda leh “Nin Tuur leh siduu u seexdo isagaa yaqaano” oo Shacabka koonfurGalbeed siday u maareeyaan noloshooda iyo Mustaqbalkooda cidina Marti ugama ah kamana sugayaan.
Hayeeshee horboodadan(Maamulka) Haatooyda(Ha inoo ahaato sidaas) ma ahee aan laga hayn Istaraatiijiyad ku dhisan Howlqabadkii ay shacabku sugayeen in lasugaana dowba ahayn waa mida ay Shacabku ka guuxayaane horta Ummaddu maxay dareentay oo ay Qoonsatay?

Waa dhab inay Ummaddii KoonfurGalbeed guud ahaan si gaar ah Culimadii,Aqoonyahanadii,Waxgaradkii iyo weliba aan raaciyee Jiilka cusub ee dhalinta ah ay maanta dultaagan yihiin “Afkiibaa Juuqda gabay” kadib kolkii Maamulkii ay u dhabar adeegeen dhismihiisa iskuna tashadeen kana miradhaliyeen hadafkoodii ahaa inay maamul samaystaan iyagoo isku tashaday ayaa hadana caro looga shubay oo cadaawad aan awalba qarsanayn oo kaashanaysa canaasiir Dulaalnimada loogu dow qalay kusoo duushay.

“Kadaroo Dibi dhal” Madaxii ay u doorteen inuu Madaxweyne u ahaadana dhamaan Shacabka KoonfurGalbeed Madoobe Nuunoow ka doortay inuu Xoolaha KoonfurGalbeed oo Nus ah Qoosaar uga noqdo dulaalka Sedexda Gobol Afka kusoo goostay ee Sakiin.

Amaano xumaayaa,Damacyaraayaa,Adkaysi darnaayaa oo Hilimo iyo Aqoon yaraayaa kii Sakiin aaminay ee rumaystay Riyo uu maalin cad arkay.
Waa yaaboo-yaab…horta Maamuloow ayaa ku doortay?

Nin xigmeeyay misna xaalku ku cuslaadaa ku fududeeystay”Waji aa Fool ku yaalo” oo maanta wixii Shalay dhacay isaga sheekeynmaynee xagee maanta joognaa bal ugu yaraan si aan u ogaano halka ay Umadeenu saldhigan doonto beri?!

Beri oo Beri ah yaabee nin maanta isagoo joogo la dhacay miyaa Beri inuu wax u dhiciyo oo u dhigo la fishaa hadaanu xaalku ahayn is yeelyeel.

Waa dharaar kuwa jooga ay xusul duub ugu wada jiraan inay CV-gooda ku darsadaan mansab magac u yaal ah oo halka uu taariikhda ka geli doonana aan la ogayn ALLA i lahee waa ay heleen oo in ka badan 100 Ruux oo u badan Qurbajoog maanta waxay ku magacaaban yihiin Wasiiro sida Wasiirka Derinfidiska iyo Uunsiyeynta qolka shirka,Kolkii uu xaalku sidaa gaarayna ma waanu Afyaalka sidan u dhigin si uu ummaddiisa uu u tuso waxa ay ku taamayaan masiibada ummadda lagu horgudbay ee madaxda loo yaqaano”Mar uun Madaxweyne i dhaha”.

Waana yaabe intaan oo xilal ah oo lamagacaabay iyo in kaloo kasii badan oo weli dood ka qaba waxa ay liiska ugu soo bixi waayeen ayaa iyana su’aal kale ahee horta”Ninba Hooraaw Horta lee araaw…Horoow…Heed ay liin Hidee” sow hees Hableedka ma ahayn mise waa idiin buraanburaa?!! Sida kuwa dhalan roga ku dhacay..Waayaab ayaa mid kale kusoo guuxay oo yiri!.

Qaybiyihii qaday hadana cadaalada baal maray sow mas’alo taagan ma aha,Kuwii lahaa oo kor u eegaayo in hoosta laga wada bixiyana Sow Cibaaro aduun ma aha intii hartayna in dhafooradu ku dhegaan gacmahoodana sow Dow ma ahan!…Dareenku waa badan yahaye oo maamulkayga maxaa qaybta Fedraalka u ekaysiiyay?

Kaalin libaax lahoo la taaban karin maxaa Hawiye siiyay,Daarood Darsaan(Kidin) mahee dalkaba ila degin sidee loogu sabeenay xil,Majeerteense madaxaygu la xanuunyoo xaguu iga soo galay,Kuwii aan islahayn(Jareer iyo Gibilcad) iyo Deriskii samaa(BiyoMaal) maxaa booco loogu kutubay?

Tani waa qaybtii Daarood,Hawiyana intaa ayuu leeyahay,Dirtu qaybteeda waa intan,Teena DM iska daaya anaa idiin haayo,Jareer iyo Gibil Cadna Gugub maloo waayi doono malugu Faataxaystay oo warkii soo jireen ee ahaa “Ismahurto yay is halayn” inta lagu takri falay Inkirmo malaysu raaciyay.

Waxaan aragnay waxa la arki doono ka badane horta maamulka xagee ayuu inoo wadaa?
Inta garataa yar inta guntataa kasii yar in ka Garawdaanba la aragee horta maamulkan yaa inoo dhalay oo maanta inuu dhaqayee berina inoo dhisaya?
Ma yara Su’aalaheena Dhaliisheena ka badan Dhafakaarna inoo dheere xagee nalaga haystaa?ayaa inta uu qayliyay ku yiri ruux Aflabadiisa daan furtay oo qayliyay.

Qosolkuba Hiiloow galaa Howraar sana nagaadi ayay dhashaaye yaan kaga dacwoonaa?ayaa midkale si hoose u yiri.
Kol hadii Dacwad qaadaha uu kugu noqdo Dacwad Oogaha eedaysanow maxaa kuu yaal?ayay tiri gabar guuxan qayb ka ahayd.

Hadii uu xukunku nagu dhacayse Qadartu waa ma huraane sidan maku qaadanaa?Shiikh kitaab Kilkisha ku haystay ayay kasoo yeertay.

Wiil dhalin ahoo caraysan ayaa isna yiri “Faramarnaan iyo goob xun oo la fadhiyo waxaa dhaama Aduun laga dheelmado ee horta Cadaawahan na haysta Waraf maku daynaa?!”
Waa dhab ee horta Cadaawahan nahaysta Waraf maku daynaa?

Waa inoo Talaadada danbe.

Qalinkii Abdiaziz ShSalah.

5 COMMENTS

  1. Wlaalkey abdi asiis waxaad u hadashey kor iyo hoos waxba kuuma harin wixii war ahaa,wedhaan gaaban iga dhegeyso”hala qaato guuxa dhalinyarada halgu daro hoo iyo haa, hoog iyo hiilo halagu dayo,warafka iyo guulguulkuba wey ka kiciyaan beeraha shinbirta iyo doonfaarka u soo duulaan tegey inuu cuno,aniga ififale ayaa ii muuqda kaasoo hormuud u ahaa banaanbihii ka dhacay baydhaba,afgoy,marka cadey iyo midka maanta ka dhacaaya qoyoley ,bulosheik iyo haduman.

  2. waa maqaal qiima badan oo ka hadlaya dhabta ka jirta wadankeena gaar ahaan k/galbeed..ad bad ugu mahadsan tahay abdiaziz sida aad u sharaxdey wadciga ka taagan k/galbeed waxaana rajeynayaa in aan fahano waxa na heysta si aan u raadino xalka dhabta ah ee aan ku badbaadin karno shacabkena iyo deegaankooda..wbtfq

  3. Xaa sheegi kartiin eelay wiiq aad ba marka hore aheed dhulkan hawiye aa iska leh markasta ogoow hadii aan idin sheega beer dad ay gateen aad u tashahesin

  4. Waa allah maxadiisi weeye ,kol hadii beertii aad dhacdey in aad dusha ku qaado aadan geyn kareyn guriceel,gaalkacyo galhareeri iyo cadale .waxaan ku leeyahay digil iyo biimaal baa ku dultaagan ee waxba qaadi kari meysidee ee naftaada la carar.

Comments are closed.