Dhageyso: Maanta oo Kale Xasuusta Xasuuqii Degmada Buur-hakaba Warbixin

0
112

buurhakaba23-March 2014-kii Maanta oo kale waxay ahayd Maalin layaab leh Murugo iyo Walbahaar Xambaarsaneyd, waxay ahayd Maalin ay dadka Wadaniyadu ku dambeyso ilmuhu wada qubatay,Bulsho sugeysay hanaan ay kaga baxayaan Musuq maasuqa iyo Maamumul xumida deegaanadooda daashatay ayaa Maalinkaa indhuhu wada gaduutay illin daraadeed.

Waxa ay ahaayeen Odayaal u istaagay in ay Xuquuqda dadkooda uga soo dhiciyaan Maamulkii Lix Gobol oo Baydhaba looga dhawaaqay, kaa oo Xiligaa Madaxweyne loogu doortay Madoobe Nuunow Maxamed inkastoo markii dambe uu Maamulkaasi Socon waayay.

Odayaasha ayaa ka soo laabtay Magaalada Baydhaba markii ay marayeen wadada gawaaridu marta ee Degmada Buur hakaba Gobolka Baay ayaa kooxo Hubeysan waxaa ay istaajiyeen gaarigii ay saarnaayeen.

Xoogaga hubeysan, ayaa Odayaashaan Dhaqanka si Khasab leh ugala deggay gaarigii ay la socdeen, isla-markaana si wadareed u dilay.

Odayaasha la dilay, ayaa waxaa ay tiradoodu ahayeen 8, isla-markaana Meydadkooda, la soo dhigay afaafka hore ee Degmada Buur Hakaba.

Magacyada Odayaasha Ayaa Kala Ahaa.

1-Marxuum Axmed Mahdi Cali
2-Cusmaan Maxamuud Cumar koomboole
3-Xaajow Sheekh Cumr
4-Cadoow Nuur Maxamed
5-Cali aboow Nuur
6-Nuuriye sheikh maxamuud
7-Shariif maxamed yaroow
8-Abuukar maxamed garweyne.

Xasuuqii buurhakaba march 23 2014

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xasuuqii buurhakaba march 23 2014 mobil

 

Cabduqaadir Ismaaciil Xuseen (ilkacase)
Cabduqaadir2007@gmail.com