Maleeshiyada beelaha duulaanka oo bilaabay inay dadka shacabka ah ka barakiyaan tuulooyin hoos taga Qoryooleey

6
108
hoogaWararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ku waramayaan in deegaano hoostaga degmada uu haatan ka socdo qax aad u baaxad weyn ka dib koklkii Maleeshiyo beeleed isu soo bahaystay barakicinta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadan ay bilaabeen inay guud ahaa si khasab ah ay dadka shacabka ahi ku weydiistaan inay bixiyaan lacag lagu gado qori amaba ay qori keenaan taasi oo ruuxii diidana ay dilayaan.
Maleeshiyadkan beelaha ee hubaysan ayaa dhanka kale waxay wataan Tuutaha ciidamada Dowlada iyadoo sidoo kalena shacabkii deegaanka ku barakicinaaya hubkii qaranka.
Sidoo kale ayaa waxaa barakicinta shacabka qayb ka ah warbaahinta ay isticmaalaan kooxaha duulaanka oo ka howlgala magaalada Muqdisho kuwaasi oo halganka ka jira gobolka shabeelaha hoose ka been sheegaya kuna dayaya inay ka dhigaan kuwo u dhexeeyo Beelo Walaala ah oo wada dega deegaanada taasi oo aan sal iyo baar midna lahay.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd kolkii ciidamada Dowlada oo qaab beel u abaabulan ay dad ku laayeen deegaanka Haduuman ee degmada Qoryooleey iyagoo weliba warbaahinta mariyay in falkaasi argagaxa lihi uu ka danbeeya Sheekh Saalax oo inta la ogyahay wax iska caabintiisu ay salka ku hayso gurigayga iiga guur oo kaliya.
Guud ahaan gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmooyinka Marka,Awdheegle,Qoryooleey iyo Jiida Janaale ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka socday halgan aad u adag oo looga soo horjeedo kooxaha duulaanka ee beelaha Hawiye oo iyagu kusoo indha cad khayraadka gobolka Shabeelaha hoose.
Dhanka kale Odayaasha degmada Qoryooley ayaa dhankooda bilaabay inay kala dhex galaan dhinacyada isku haya tuulooyinka si shacabka uu si xuriyad leh u maareeyo nolol maamlmeedkooda hayeeshee waxaan si dhab ah loo ogayn sida ay awood ugu yeelan karaan in kooxaha duulaanka ay dhibta dhulka iyo dadkuba ay ku hayaan ay ka dhaadhiciyaan inay daayaan.
Bishii tagtagtay ee febraayo ayay ahayd kolkii beelaha Biyo Maal iyo Beesha duulaanka ah ee Habargidir heshiis lagu dhjex dhigay degmada Afgooye kaasi oo ilaa iyo maanta inay isbaarooyinka Bataan ma ahee aan laga dhaxlin wax xal ah.

6 COMMENTS

  1. Aniga habargidir baa ley dhahaa::iga guur kagama guurayo::gundigiina soo xirta digil iyo biimaal::aniga goofkeyga waa galgaduud iyo gal mudug::gaanka biimaal iyo gunimada digil ugu guuri maayo::gobolkaan ana is ka leh::warmogeyaal dal la helay gobolkeyg shabeelaha hoose.habargidir iwm guul.

  2. Sagajaanka sidaa u hadlaayo wuu iyaqaanaa waxan ahay iyo digil wuxuu yahay, blse war in laqoro waa wax fudud , balinteena waa shabelaha hoose , filinkiina Eey ba cunay , idinkoo duleysan ayd kawihiina ka soo carari doontaan , hadaad hawiye ma taqaanin digil lkn wad baran , hooyadkiina waa hoowiya naareed insha allah.

  3. Hurdada ka kaca reer shabeelada hoose dulmiga la dirira sidaan nolol maahee tan kale daafeet yaa heesto dadkii lahaabaa mise mooryaanta xamar jawaab asxaabta commentska

  4. Daafeed dalkii asalow,daafeet.com oo keliya ayaa xor ka ah,geesigii weynaa ee u kacay xoriyadda inuu gaarsiiyo Awdigil sheik abokar momamed nuur geeridiisii ka dib xabad xuriyad doon ah kama dhicin maanta dhulka in laxureyo larabo ayey ka mid tahay,hada ayaan waxaan ka sugoyna 5ta in ay bilaabaan doc ka weerar ayna u diidaan kooxaxa duulaanka soo qaadey gurmadkooda in uu san soo gaarin,geesigii labaat ee u kacay xuriyada Awdil dinsame general salax haji ibrahim.

  5. War salax hadaan mayedkiisa soo warenaa gun baad yihin dhulka waa dhul hawiye anagaa siyaad bare ka xoraysansy ninkii wax qaati karaa ha yimaado shabeelada hoose

  6. Haawiye:hawiye joog hadda ayey talo kula gudboon tahay,taariikhdiina hore dib u eega,hadii aad u maleyneysaan in qaxa,barakaca,dilka ku koobnaan doono shabeelaha hoose,aniga u maleynmaayo waxaan u jeedaa in dagaalka ku fidi doono guriceel,galhareeri,galgala iyo galmudug inta udhexeyso ee hawiye joog goor xun baat wax garataayee.

Comments are closed.