Howlgalo Balaaran oo Saaka laga Wado Degmada Huriwaa Ee Gobolka banadir

0
24

baritanCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka wada saaka howlgallo baaritanano ah degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir kaddib markii xalay qarax lagu dilay mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada.

Taliyaha la dilay oo ahaa ku xigeenka nabadsugidda degmada Huriwaa oo lagu magacaabi jiray, Axmed C/raxmaan ayaa waxay kooxo hubeysan ku dileen qarax, taasoo keentay in maanta baaritaanno la sameeyo.

Xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah SOS, Ex-koontarool balcad iyo Suuqa Xoolaha, iyadoo ciidamadu ay dad badan ku qabqabteen howlgalladaas.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha ay baaritaannadu ka socdaan ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada ay baaritaanno ku sameynayaan meel walba oo deegaanka ka mid ah.

Waxay ka mid tahay degmadan degmooyinka gobolka Banaadir ee ay inta badan ka dhacaan falalka dilalka ah ee ay geystaan kooxaha hubeysan, inkastoo aysan jirin weli cid sheegatay dilka sarkaalka.

 
Daafeet.Com