SHACABKA KONFUR SOMAALIYA, BENADIIR IYO XAMAR MARNA MA CAFINAAYAAN –“FI DUNYA WA FIL AAQIRA”..KUWA EEY KA MID YAHIIN!!!

2
51

niniiDagaal oogayaalki ku soo duulay kana masuul ah dagaalada sokeey oo ila hada dalka ka socdo qaasatan Konfur Somaaliya hadana weiyaal cusub yeeshtay.- kuwi nool ama kuwi dhintiba.

Qabqablayaal dagaal oo hada isku badali siyaasiyiin iyo ganacsato laakin aan wili badalin dhaqnkooda aha: bililiqo.dhac iyo boob.

Xaaran ku naaxyaaal aan marna u dhadahmeeynin nabada, amaanka, sharciga iyo dawlad wanaaga.
Kooxda nabad-diidayaasha, marna iska dhiga odi dhaqmeed oo ku naaxay nabad la’aanta kajirta gobolada iyo degmooyinka Konfur Somaaliaya.
Kooxaha qaswadayaasha ah oo dibida iyo dalka gudihiisa inta ku shiraayo sidi eey markasta uga muuqdan awooda siyaasada dalka.

Hogaamiye kooxeedyo oo hub iyo maliishiyaad qabiil ku dhisan ku dhax heysto dad shacab dhaxdooda taaso oo ka hoor imaaneyso habwanaaga dowladnimo.
Dhibatooyinka eey ku ahayaan shacab kuw aan koor ku soo xusay ma u suroowi laheen hadi hubka laga dhigi laha. Waxaa haboon in la soo dhaweeyo howalgalka eey dowlada ka wado gobolka Benaadir sidi hubka looga dhigi laha siyaasiyiinta iyo ganacsatada hubka sharci darada ah ku haasto Xamar.

Marka uga horeesa wa in qof kasta oo hub sharci dara ah ku heysata magaalo madaxda ee Xamar wa in laga dhiga hado diidane loo aqoonsada laguna dara liiska argagixisada.
Hub ka dhigista kuwa aan sharciga u laheen in eey heestan wa lagama marmaan hadi la rabo in Somaaliya usi jirto wadan ahaan iyo dowlada ahaanba. Sideba aminiga shacabka lugu xaqiijin kara hadi kheyra masul kasto oo hub hasto.

Waxa la yaab iyo isweydiin leh maxey u diidaayan hab wanaag dawladimo, sharci kuwada noolasho iyo kala danbeen. Maxey ugo soo horjeedan in qoof kasto iskiisa u noolaado osan isku haleen qabiil iyo qori.. maxa kuwa hubka heeysto kalsooniyadi shaqsiyeed ka qaadi, eey u aminsanyahin qori iyo xabad, maxeyna u diidanyahiin hadal iyo wada xaajood. Xaqiiqada dhabta ah waxa waaye: hubka, qoriga iyo xabada waxa eey u haastan in eey wax ku dhacaan; xoolo, hanti iyo dhul eeysan laheen ku booban.

Beenta ee faafinayaan fitno wadiyaasha ayago adeegsanaayo idaacado ragiis ah, oo ah in eey hubka u heeystan si eey iskiiga dafaceey lahayeen Alshabaab qof ka iibsaneeyso maleh. ARGAGIXISANNIMADU waa fal kasto oo bulshada rayidka ah argagaxliya. Moryaanism, barakicin shacab, billiliqo, dhul boob intaba wa ARGAGIXISO tan uga xun.

Waxa kalo eey fitnowadayaasha ku candacoodan in hub ka dhigista loola danleeyahay qabiilo gaar ah si loo kiciyo dareenka qabiilnimo. Arintaan waxey ku tuseeysa in hadi hubka laga dhigo wax ee yahiin in eey jiriin. Waxey amanisanyahiin in nolashooda ku xerantahay BAROON IYO BASUUKA madaamo oo kan bulshada uga liito eey ka dhigto qof la dhageesto hadi oo xabado ka ridi karo.

Uga danbeenti waan huba in aad igu raaci doontaan inta yar oo hoos ku qoran:

“ALLAYAOOW MUXUU BAROON IYO BASUUKA MORYAAN IYO TUUG FARIIDEEYAY………………………….”
SI NAMEESTIRA MARKAAD SOO XASUUSATAAN TIXDA HOOS KU QORAAN OO RUNTA KA SHEEGEYSO SABABTA EEY U DIIDAYAAN IN EEY QORIGA IYO XABADA DHIGAAN, WALAALTININMO IYO WADA HADALNE KU BADASHTAAN.
“ALLAYAOOW SHAADHKII DAWLADNIMO MUXUU NACAS FARIIDEEYAY, FAA’IIDO LAAWIYO MUXUU NIN RAGA FEYL KA WADA YEEDHSHAY”.
“ALLAYAOOW MUXU FERENJIGII NACAS FARIIDEEYEY, NIN AAN AABBIHIIS FUULI JIRIN FARAS MUXUU SAARAY”.

 

Burfuule
Mr.Burfuule@yahoo.co.uk

2 COMMENTS

  1. burfule wad ku mahadsan tahay qoraalka ku saleysan runta ee aad soo bandhigtey ..ilaah waxaan ka baryeynaa in kuwaas mooriyanta ah laga cirib tiro dalkeena iyo deegaanadeena..

Comments are closed.