Madaxa Hogaanka Socdaalka oo Xukuumada Ka Codsadey In La Hakiyo Diyaaradaha Ka Imana Wadamada Cudurka Ebola Gaarey

0
28

gaafowC/laahi Gaafoow Maxamuud madaxa hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay jirto cabsi badan oo ku aadan cudurka Ebola, maadaama wadamo ku yaalo Galbeedka Afrika dhawaan laga helay cudurkaasi.

Mr.Gaafoow ayaa wuxuu sheegay in cudurka Ebola uu dad ku dilay dalka Sacuudiga, maalin walibana ay yimaadaan diyaarado ka yimaada dalka Sacuudiga, sidaasi awgeedna talo ahaan Dowladda Soomaaliya uu ugu soo jeediyay in la hakiyo Diyaaradaha ka imaanaya dalkaasi.

Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka iyo Arimaha Dibada Dowladda ayuu sheegay inuu u qoray warqad, uu uga dalbanayo in la joojiyo duulimaadyada ka imaanaya dalalkaasi, isaga oo intaa ku daray in dhawaan Kenya looga digay halista cudurkaasi, Soomaaliyana ay maalin waliba yimaadaan diyaarado Kenya ka yimaada.

Ugu danbeyntii Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa kaga digay Dowlada Soomaaliya in arintaasi fududeysato sidaasina Cudurka uu kaga soo faafo Soomaaliya.

 
Daafeet.Com