Nabadoon Xaad oo Sheegey In Hub Ka Dhigista Xiligan La Sameynayo Ey Tahay Mid Qaldan

7
35

xaad1Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in hub ka dhigista ay ka horreyso dib u heshiisiin iyo dadku ay is-aaminaan, isagoo tallaabada ay dowladdu hubka kaga dhigayso shacabka, siyaasiyiinta iyo hoggaamiye kooxeedyadii hore ku tilmaamay mid qaldan oo aan xiligan loo baahnayn in la sameeyo.

Xaad oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay inay ka qabaan shaki weyn barnaamijka hub ka dhigista, kaasoo ah in dad gaar ah lagu bartilmaameed-sanayo, isagoo ugu madaxda dowladda ugu baaqay inay ka dhaqan-gelin barnaamijkan dalka oo dhan, balse aan lagu ekeyn Muqdisho.

Sidoo kale, Xaad ayaa sheegay in hub ka dhigista ay ka horeyso arrimo ay ka mid tahay dib u heshiisin, isagoo wararka ay dowladda ka helayaan ay sheegayaan in dad gaar ah oo ay bartilmaameedsi ugu jirto, waana howl aan hub ka dhigis ahayn ee dad gaar ah lagu eeganayo.

Xukuumadda ayaa horaantii bishan meel-marisay hindisaha xakameynta hubka sharci-darrada ah, qorshahaas oo uu wasiirada hordhacay wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg, inkastoo xubnaha baarlamaanka ay ku tilmaameen sharcigaas mid aan weli ansax ahayn.

 
Daafeet.Com

 

7 COMMENTS

  1. waa guul usoo hoyata umada soomaliyeed hadan fikirkeega kadhiibto waayo inti nin walbo ciidan iyo qora wato dowlad madhaleeyso marka talaabadaas dowlada qaada sax aan u arkaa ninki diidan sida xaad iyo axmaddiiriye inoow dadka dhaco ow wada marka hubka halaga qaado oo dowlada haloo daayo wixi huba cidi diidane amisoon halugu weeraro sida axmad xasan cadow axmad daaci heer muqdishane hasoo dhaweeyaano kidibne gobalada kuwa dagalka kawado haloo gudbo waa talaabo sax ah midaane

  2. akteeyne waxa xushmad kaheli doono heer hiiraaan.iyo heer shabellada hoose lk dowlad hadeey dhalato ee dhacdo xataa daarood iyo heer gobalada dhexe faqashti sidi loola dhaqma kadan waa ula dhaqmi doona ninki dhoof kuyimid geerida waa dhibi toontaa

  3. War nimanyahow hadana morayaan Xaad miyaad nabad doon ku tilmaameysaan, qabqablaha ay somalida ka degi la’dahay. Waa xaaraan ku naax aan somalida wanaag la dooneyn

  4. Idaacadii xaad &axmed diiriye …. Nabadon ku sheegto .hala xiro…. Sababtona runta ma sheegto …… Sidaa darteed bulshada been uma baahna ee wexeey rabtaa….. Xaqiiqda&halyeyga xasiloonida … &xaaraan ku naaxiinta

  5. midkaan dadka qabiilkooda ku qaraabanayoow waxaan kuu sheegaa nacas waxaad tahay aan caqli laheen oo reer baadiye ah maad soo qaadatid qabiilkaad tahay abgaal capetawn jaahil.

  6. 2 nin hadiladilin haweeye manasanaayo u kamid yahay xaad iyo Axmed diriye waa tuugu xaraan kunax yuuhud ayaa dhama

Comments are closed.