Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka Warfaafinta oo maanta gaarey Magalada JigJiga

0
25

CiilmoogeWafdi uu horkacayo wasiirka war-faafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ay ka mid yihiin, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Axmed Xasan, xildhibaanno, odayaal-dhaqameed iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ayaa xalay gaaray magaalada Jigjiga oo ah xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxaa wafdiga si heer sare ah ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan ismaamulka deegaanka Soomaalida iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

Wafdiga ayaa la dajiyay hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Jigjiga, iyadoo lagu wado inay ka qaybgalaan xuskii sideed ee qowmiyadaha dalka Itoobiya oo berri oo Axad ah si rasmi ah uga furmaya magaalada Jigjiga.

Xubnaha wafdiga ayaa isla xalay lagu soo wareejiyay qaybaha ay magaaladaas ka kooban tahay si ay u arkaan horumarka laga sameeyay sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo wafdigu ay aad ugu farxeen inay yimaadaan Jigjiga ayna arkaan horumarka ay ku tallaabsatay.

 
Daafeet.Com