Shariif Xasan iyo xildhibaano kale oo maanta gaarey Magalada Baydhabo

0
29

shariif-xasanWafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xildhiban Shariif Xasan ayaa wafuudii ey isla socdeen waxay isugu jireen wasiirro ka tirsan xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka.

Wafdigan isugu jira wasiirrada iyo xildhibaannada ayaa la dajiyay hoteel Bakiin; waxaana ammaankooda la wareegay ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Baydhabo ku sugan.

Inkastoo ay jireen warar horay u soo baxay oo sheegaya in Shariif Xasan uu doonayo inuu Baydhabo ka furo shir kasoo horjeedda midka hadda halkaas ka socda ayaa haddana la ogeyn wixii iska bedelay arrintaas.

 

 

Daafeet.Com