Afgooye Degmadii Ugu Danbeysey Ee Dhamaadka Isbaarooleyda Soomaaliya

6
136

reer afgooyeAfgooye waa Degmo Kamid ah Demooyinka 8da Ah Ee uu ka kooban yahay Gobolka Shabelada Hoose, waa degmo qadiimi ah xaruna u aheyd mudo fog saldanadii Goobroon ee ka talin jirtay inta badan koonfurta soomaaliya qarniyo badan tasoo ugu danbeyn burburtay kadib markii ay mudo la dagaalamayeen gumeeystihii talyaaniga taasoo ugu danbeyn awood loo sheegtay meeshana ku burburtay nidaamkii maamulka boqortooyada.

Afgooye waa degmo wax soo saar leh xaga beeraha iyo xoolaha isugu jiro dadka dagana ay yihiin dad nabadeed wax soosaar u go ay dariskoodna xiriir ganacsi iyo walaaltinimo kala dhaxeeya .

Afgooye waxa ay soo martay marxalado kala duwan xornimadii soomaliya kadib, oo ay ka mid yihiin caburin boobka dhulka ku tagrifalka hantida dadweynaha , oo ay sameynayeen dowladihii soo maray dalka sida 9kii sano ee musuqmasuqa ku caanbaxay ee dimuqraadiyada lagu sheego iyo 21kii sano ee xukunkii kaligis talisnimada tasoo sameeyn badan ku yeelatay nolosha shacab weynaha rer Afgooye.

hadaba xilligia burburka soomaaliya maxaa ka dhacay afgoooye, waxa ay soo martay dhac kufsi boobka dad weynaha bililiqo bahsan ku xadgudubka xuquuqda insanka iyo leynta waxgalka rer afgooye oo loo bixiyey LOOMA OOYAN.

waxa ay soo martay in hor iyo gadaal loo maro kooxihii isku heystay xukun ka soomaaliya , tasoo ugu danbyen ay ku danbeysey koxdii can baxday oo uu ku abuuray Gen.Caydiid , maleshiyo beleed wuxuush ah oo ku caanbaxay leynta dhaca kufsiga reer afgooye iyo taabsashada beerahooda iyo guryihii dadka cadiga ahaa iyo xarumihii dowlada oo laga dhigtay mel kooxahaas ku naxan xarumana ka dhigteen.

waxaa ugu cansanaa ragii afgooye tacadiyada ka geystay nin Cirfe la yirahdo ee rer dhuusomarebka ah kasoo xusuustiisa reer afgooye aysan waligood ilaabi doonin , tacadigii uu sameeyey hogaamiye kooxeedkaas ayaa dowladii shariifka iyo midan xasan sheikh ay ugu abaal gudeen Gudoomiye gobol uu asal ahaan ka soo jedo Galgaduud , tasoo aad ka arki karto heysashadiisii afgooye iyo halkii uu ka yimid farqiqa u dhaxeeya iyo baxada u dhaxeyso labada degaan oo an wadagin xuduud iyo darisnimo midna.

Afgooye waxa ay soo martay cirfe ka dib waxa loogu yeeri jiray midowgii maxkamadaha oo afgooye u hibeeyey isla ragii xaranta ku joogay tacadiyadana ka geystay .

Maxkamadaha ka dibna

2006 kii dhamaadkeda waxaa soo gartay afgooye Ciidanka itoobiya iyo dowladii Soomaaliya oo is garbsanayey oo uu madaxweyne ka ahaa ALLAH ha u naxariiste Cabdullahi Yuusuf, tasoo surto galisey in afgooye markale ay dadka deganka ay gacantooda soo gasho lakin nasib daro aysan dhicin in mirahedii la gurto waxaa lagu soo qaday weeraro dhan walba ah oo kaga imanayey haradigii mooryaantii mesha macda ku baratay oo laga soo dhigay ciidan dowladeed xamarna laga soo abaabulay mudo ka dib waxaa la dilay gudoomiyhii gesiga ahaa ee degmada ay dowlada u magacowday waxana ka bilaabatay isbaaradii bar ismaacil iyo mukayka oo ay caan ku ahayeen moryantii dhigyo cabka ahaa e afgooye dhibka ka waday mudadii burburkii somaliya tasoo marba waji hor leh loo yelayey si loo sii joga xarantana loo quuto.

kaidib meshii waxaa laga saray koxdii sharwadayasha isbaariistayaasha ku quutay noloshooda, waxana la waregay koox la baxaday xisbul islaam oo iyana uu hogaaminayey wadadka mayalka adag lagu shego ee hada u xiran cidanka Amisom iyo nabadsugida somaliya iyo rer galbeedka tagera gar ahaan la dagaalanka waxa logu yero argagixisada .

mudo ka dib afgooye waxa ay gacanta u gashay Kooxda Alshabaab taso maquunisay koxdii xasan dahir si qasab ah loogu biiriyey shabaaka .

Al shabaab afgooye mudo bey heysteen ugu danbeyn waxa ay gacanta u gashay markale cidanka AMISOM iyo cidanka dowlada oo is garbsanaya lakin rer afgooye ma nasten yase u yimid ,isla markiiba waxaa bilaabatay in dadkii la qafaasho la xir xiro shabaab baad tihiin iyadoo aan laga tageeynin nagaha guryaha joga xitaa, macaliminta iskuulada,dugsiyada quraanka, tasoo ay ka qeyliyeen dad weynihii rer agooye iyo waxgardkii soomaaliyeed oo dhan .

Madaxweyne shariif oo markaas ahaa madaxa dalka ayaa tagay meshii waxaa ka dhacday fadeexad weyn rer afgooye ayaa waxa ay afbuuxa ku yirahdeen shariifoow dadkaga naga cesho xilligan yaan lanoo dowladeynin waad ogtahay afgooye iyo shabeelada hoose waxa ka dhacay waxana kugu xasuusana xilligii maxaakimta aad shabelada hoose aad ku naas nuujisay ragii isbaarooleyda ahaa marka shariifoow hadad madaxweyne soomaliyed tahay wax kaqabo, lakin warkii rer afgooye dhago duleela kuma dhicin waxana meshii ka sii socday dhibkii lagu hayey , marba marxalad ay jogtay.

Hada oo laga baxay KMG nimadii madaxdiina la badalay ayaa ilaa xilligan waxaa socota dhibaatadii lagu hayey rer afgooye bishan Decenber waxaa soo cusboonatay xir xiradii iyo caburintii lagu hayey shacabweyna rer afgooye .

waxaa soo cusbonatay dulaankii lagu hayey guud ahaan gobolka waxaa ugu danbeysey dagaalkii dhiga badan ku datay ee lanbar50 kii ka horeyey ee marko tasoo dadkii degaanka ay iska sareen kooxiii isbaarooleyda loogu magac daray xirfadna ka dhigtay, kadib fashilkii ka soo garay dagaaladan ayaa waxa ay bilabeen caburinta iyo cadaadiska lagu hayey lafoole afgooye iyo daafeet , lakiin markaan maxa dhacay maxaase socda.

Afgooye, marko, Awdhegle, Iyo daafeed waxaa ka biloday iska caabin xoogan oo looga soo horjeedo kooxaha isbaarooleyda tasoo dad weynihii ay sameeysteen ciidamo madani ah oo ilaaliya hantida shacabka iyo amniga dadka degmooyinkaas.

waxaa dhacday kooxihii moryaanta ahaa in ay isku dayaan in ay dhacaan dadweynihii lakin waxa ay kala kulmeen iska cabin xogan oo ay ciidanka madaniga ah ee degmada afgooye dadna loga dilay, arrintan ayaa wal wal ku kenaty isbaarooleyda duulanka ku ah nolosha rer shabeelada hoose iyo kooxihii daha gadaashisa ka hagayey.

iska caabintii lagala horyimid ee looga soo saray Degmada Marko iyo deganada ku xeeran ayaa waxa ay fure u noqotay in ay iyana ka caan degmooyinka kale .

 

Qore. Cabdiraxmaan Sheikk Maxamed ShamQoryooley

6 COMMENTS

  1. QOFKII DHARBAAXO CEEBLE DUGSADA CANA KAMA MAALO EE REER SHABEELE SI ISKU DUUBNI AH AAN ULA DAGAALANO MOORYAANTA GALGADUUD OO MA XISHOODAYAASHA EH, WAA YAAB UMAD DHAN OO AAN LAHEEN WAX DULMIGA KA XUMAADO OO XITAA MIDKII UGAASKOODA SHEEGANAYEY AYAA KU BAAQAY IN DHULKA DADKA XOOG LAGU HAYSTO DADKIINA UGU HANJABEY IN LA LAYNAYO HADII AY DIIDAAN GUMEYSIGA. XORIYADA DHIIG HA LOO HURO.

  2. KA KACA- KA KACA REER SHABEELAHA HOOSE WAQTIGAN WAA MARKII AAN ISKA XORAYNLEHEEN GUMEYSIGA MOORYAANTA, MEEL KASTA LAGA SOO NACAY, MA XISHOODAYAASHA,XAARAAN CUNAYAASHA,DULMI KU NOOLAYAASHA.

  3. asc waxan raba in aan u sheego dadka degan gobolada shabeelaha hoose in aysan kuwa isku shegayo dowlad in aysan wax ka sugin waayo dhibka aNaga ayaa iska sari karNO waxaa idiin sheegaa WAXAD OGATAN IN MADAXWEYNAHA MOOSHINKA DHIBKA U KU QABAY RAISUL WASARAHA LOOGU DUL QADAY MUDO 20 IYO DHOWR MALMOOD AYNA KA QADEYN GALAHA MOOSHINKA MAXAY UGU DUL QAADI WAYEN DADKA DEGA SHABELAHA HOOSE DHIBKA LAGU HAYO 23 SANO MISE TASI WAXAN U ARKA IN AY YIHIIN DAD AAN MATALEYNIN SHACABKA HADII AY RABAN IN AN CASUUMAD USAMAYNO AMA AAN SIINO LACAGO HANAGA SUGINA TASI INAGA AYA ISKA DHICINEYNO MOORYANTA ILAHAYNA GARABKANO WUU GALAA INSHA ALAH XATA HAL MAR MAUUSAN KA HADLI MADAXWEYNA DHIBATDA LAGU HAYO RER SHABELAHA HOOSE

Comments are closed.