Reysulwasaraha xukuumada federaalka oo kulan la qaatey reysulwasaraha dalka imaaraadka

0
195

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum ayaa wuxuu ballan qaaday in dalkiisa uu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulan uu la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Al Maktoum ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Imaaraadka inay ballaariyaan iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya si loo gaaro danaha wadaagga ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayaa sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.