Qarax maanta ka dhacay degmada marka

0
167

Qarax si weyn jugtiisa looga maqlay Xaafadaha Magaalada Marka ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Irida hore ee Garaasha lagu Magacaabo Cawaale oo kuyaalla dhamarka dambe ee Saldhiga Booliska Magaalada Marka.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa miino la korsaaray Sandaqad ku taalla Irida Garaashka, hayeeshee aysan jiri khasaaro nafeed oo ka dhashay marka laga reebo burbur gaaray Sandaqado kale oo kuyaalla Irida Garaashka.

Ciidamada Booliska Magaalada Marka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray wadada hormarta Garaashka si ay u sameeyaan howlgallo baaritaano ah balse markii dambe ay dib u fureen.