Ciidamada maamulka jubaland iyo alshabab oo ku dagaalamay degmada afmadow

0
232

Faahfaahin dheeri ah ayaa kasooo baxeysa dagaal ku dhexmaray degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland, kaaso geystay khasaare iaugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada afmadoow, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka ku nool degmada Afmadoow ayaa sheegay in dagaalka uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland mid kalana uu ku dhaawacmay, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha gaaray dhinaca Al-shabaab.