Maamulka gobolka banaadir oo amar kasoo saaray dadka degan goobaha danta guud

0
222

Maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin adag kasoo saaray goobaha danta guud ee la degan yahay, ayaga oo dadka ku jira ay fareen in sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa, Mire Salaad Dhuxulow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in xarun dan guud ah loo isticmaalo dan gaar ah.

Waxa uu intaas kusii daray in maamulka uu muddo 7 cisho ah u qabtay in dadka degan dhulka danta guud ay uga guuraan, wixii ka dambeeyan ay qaadi doonaan howl-gal ay si qasab ah uga saarayaan, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu faray ganacsatada hareeraha wadooyinka ku ganacsada inay ka guuraan, maadama ay aad u soo yaraatay wadada, islamarkaana ay dhawaan qorsheynayaan in ganacsatadaas u diyaariyaan suuq.