Malaga hortagi karay weerarka Hotel Elite maxaase ka jira hadalka taliye ku xigeenkii hore ee NISA?

0
76

Qaraxa iyo weerarka lagu qaaday Hotel Elite ee degmada Cabdicaziiz ee magaalada Muqdisho ayaa dad badan wuxuu ku dhaliyay dareen cusub kaasoo ku saabsan sida Al-Shabaab ay ku gali karto goob amnigeeda inta badan aad loo adkeeyo.

Taliye ku xigeenkii hore ee nabad sugidda Soomaaliya Cabdalla Cabdalla ayaa lix maalin kahor boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay in Al-Shabaabta duurka jooga iyo kuwa kujira dowladda uu ka dhex dhacay khilaaf la xiriira dhanka dhaqaale.

Cabdalla Cabdalla ayaa ka digay qarax ay isku xumeynayaan labada Shabaab oo ka dhaca Muqdisho.

Haddaba weerarka ayaa hadda abuuraya shaki ah run ahaanshiyaha qoraalka taliyihii hore ee nabad sugidda Soomaaliya kaasoo haddii uu jiro u baahan baaritaan la xiriira cidda Shabaab u fududeysay gelidda Hotelka iyo haddii ay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo xiriir la leh Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee waxey arrimahan kala caddaan doonaan kadib baaritaanka ay sameyso dowladda ee ku saabsan weerarka ay geysteen Al-Shabaab iyo cidda u sahashay gelitaanka Hotel-ka.

Inta badan mucaaradka waxey ku eedeeyaan taliska nabad sugidda inaysan ka go’neyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, taasoo ay sabab ugu dhigeen sii socoshada dhibaatooyinka ay geysanayaan Al-Shabaab.