Shirkii Dhuusamareeb oo Furmey, Punland Iyo Jubaland oo Qaadacay

0
53

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowlada iyo Madaxda Maamul Goboleed ee kasoo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan.

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamul goboleedyada Gal Mudug, HIrshabeele, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaana qaadacay KUlanka Masuuliyiinta Puntland iyo JubalandMudane.