Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud iyo Taliyaha Ciidanka Boliska oo Qarax Lagu Diley

0
99

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ismiidamin oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab saaka ku qaadeen Xerada Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka Goof-Gaduud Buureey ee gobolka Baay.

Dagaal culus oo Maanta barqadii soo gaaray ayaa Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degaanka G-gaduud Buureey,waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyihii degaanka Goof-gaduud Buureey Isaaq Cali Isaaq & talihii Ciidanka Booliska degaankaaas Xasan Bakaa, ay ku dhinteen qarax meyd lagu soo xiray oo ka dhacay Goobta uu dagaalka ka socday,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.